Terms & conditions

  1. Macmiilku isaga ayaa ka masuul ah fariimaha uu cid kale u diro ee keeni kara sumcad daro, aflagaado, ceebayn, sababi kara xad-gudub shuruucda Islaamka iyo tan dalka ama ku tumasho xuquuqda dadka kale sida magac dil, qoraalo anshaxa suuban khilaafsan, been, marin habaabin iyo khiyaamo, qabyaalad, hayb-sooc iwm.
  2. Maanshiil xay bay u leedahay inay kaa joojiso adeeggan hadii macmiilku uu sameeyo wax ka mid ah qodobka 1 aad
  3. Fariimaha looma diri karo qof codsaday in laga saaro liiska fariimaha.
  4. Lama baahin karo farriin kasta oo ka hor-imanaysa siyaasadda shirkadda Maanshiil, sida in lagu xayaysiiyo tartamayaasha shirkadda, iwm.
  5. Haddii adeeggan macmiilka la siiyay uu iibiyo ama cid kale inay isticmaasho uu u ogolaado, shirkadda Maanshiil xaq bay u leedahay in ay ka joojiso.
  6. Qiimaha Halkii SMS waa labo senti ($0.02).
  7. Halkii fariin qoraal waa boqol iyo lixdan xaraf (160 Xaraf).
  8. Tirada fariimahala dirsan karo halki mar waa 1 ilaa inti aad rabto ee fariimood.
  9. Hadii aad dirto fariin marin habaabsan , lambar qaldan iwm. waxeey la mid tahay fariin saxan in aad dirtay.
  10. Si heshiiskan uu u dhaqan galo waxaa lagaaga baahanyahay: Warqad codsi ah (application letter) , sawirka baasaboorka, kaarka dhalashada iwm.
  11. Labada dhinacwaxay xaq u leeyihiin joojinta adeegga ka dib wargalin muddo bil ka hor ah. Heshiiska wuxuu dhaqan galaya marka labada dhinac isla wada saxiixaan wuxuuna socon doona mudo sanad ah.
Create account
I already have a account
Reliable data service
Copyright © 2017 Maanshiil Inc
All rights reserved